Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Puntland: 37 Degmo oo laga qabanayo Wejiga 2aad ee doorashada Qof & Cod

 


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juxa, ayaa maanta Golaha Wasiirada Puntland la wadaagay soojeedinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ayaa u gudbisay golaha 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso.

Soojeedinta degmooyinka Doorashadu ka dhacayso iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu isla qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG Ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Puntland: 37 Degmo oo laga qabanayo Wejiga 2aad ee doorashada Qof & Cod

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×