Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Madaxweyne Deni oo Beesha Caalamka & Ururada bulshada ku casuumay Garoowe

 


Waraaq kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa casuumaad loogu diray xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya, daneeyayaasha Dilmuquraadiyadda iyo aqoonyahanada Soomaaliya inay kasoo qeybgalaan shir ka dhacaya caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shireweynaha oo qabsoomaya 18, bisha soo socota ee October, ayaa looga hadlayaa arrimaha Dilmuquraadiyeynta Puntland, taas oo ay Puntland u jiheysay Xukuumadda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal loo diray safaaradaha caalamka, daneeyayaasha Dilmuquraadiyadda iyo Ururrada bulshada rayidka ah, oo ku qoran luuqada Ingariiska, ayaa lagu xusay ambaqaadka Puntland ee hannaanka axsaabta badan, Madaxweynaha ayaana tilmaamay in rajo wanaagsan ay kasoo muuqatay doorashadii hordhaca aheyd ee ka qabsoomtay saddexda degmo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn, taas oo shacabka degmooyinkaas kusoo doorteen 87 xubnood oo ku matalaya Golayaasha Deegaanka saddex degmo.

Sidoo kale, Madaxwayne Siciid Deni ayaa sheegay in muddo 15 bilood ah oo u hartay dawladda uu hoggaamiyo uu qorsheynayo in uu ku hirgeliyo doorashooyinka qof iyo codka ah, si bulshada Puntland u soo doortaan golayaasha deegaanka ee degmooyinka haray.


Halkan ka daalaco 





This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Madaxweyne Deni oo Beesha Caalamka & Ururada bulshada ku casuumay Garoowe

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×