Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo xariga ka jaray Xarunta Daawaynta Xoolaha ee Degmada Baargaal.



Wasiir Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha  Puntland Dr Mustafe C/fataax Maxamed oo ay Waheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawlada Puntland NabadoonDr Axmed Cabdale Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Dr Muuse Saalax Guuleed Kan Degmada Baargaalmudane  Cabane Caynab Muuse iyo Masuuliyiin kale ayaa xariga ka jaray XLarunta Daawaynta Xoolaha ee Degmada Baargaal.

Ugu Horayn Eng Ciise oo Ka Socday Companiga Mahuraan Construction Company oo ah Companiga dhisay Dhismaha xaruntan ayaa Ka Warbixiyay qaybaha ay ka kooban tahay waxana uu Ku wareejiyay furihi xarunta wasiir dawlaha Wasaaradda Xanaanada.

Gudoomiyaha Degmada Baargaal oo Kulanka Ka Hadlay ayaa soo Dhaweeyay xaruntan Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kaashanaysa Mashruuca Biyoole ay Ka hirgalisay Degmada Baargaal waxa uu sheegay inay wax badan ka badali doonto baahida Caafimaad ee xooluhu qabeen.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo isaguna goobta ka hadlay ayaa Uga Mahad celiyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha sida ay xooga usaartay Dhulka laamiga Ka durugsan waxa uu sheegay inay xaruntan kusoo aaday xili abaaro ka jiraan Gobolka Gardafuu isla markaasna ay saameeyeen cuduro xoolihi.

Nabadoon Siciid oo kamid ah nabadoonada Deegaanka ayaa soo dhaweeyay xaruntan Cusub ee la furay waxa uu sheegay inay ka faaidaysan doonaa Degmada Baargaalna ay tahay meel xooluhu joogaan xays iyo xagaaba.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Nabadoon Dr Axmed Cabdale oo dhankiisa kalmad jeediyay ayaa ka sheekeeyay sida uu mashruucani ku hirgalay waxa uu carabka ku adkeeyay oo Bulshada reer Baargaal ugu baaqay inay sida ay tahay uga faaidaystaan hadii xaruntani ay sida ay tahay ushaqaysana ay ku heli doonaan maamus iyo mashaariic kale waxa uu agaasimuhu sheegay in dawlada uu hogaaminayo Madaxwayne Said Deni ay xooga saartay daawaynta Xoolaha.

Ugu Danbayn Wasiir Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo munaaabada xarig jarka soo xiray ayaa Bulshada Reer Baargaal uga mahad celiyay soo dhwaynti kalgacaylka lahayd ee ay kusoo dhaweeyeen waxa uu dhankiisa Ku dheeraaday muhiimada Xaruntani Leedahay waxa uu sheegay inaysan ahayn mashruuc meesha isagasoo dhacay ee uu ku yimid Qorshaha Wasaaradda oo ah hiigsi iyo hurumar kaasoo Madaxwayne deni ka shaqeeyay sidi looga dagi lahaa dhulka laamiga ah waxa uu Wasiirku ugu baaqay Shacabka Reer Baargaal inay is wacyi galiyaan oo xoolaha xanuusan lakeeno oo la is gaarsiiyo in xarun xoolaha lagu daweeyo ay maantay inooga furan tahay Degmada Baargaal.

Iskusoo duudoobo Mashruucan ay fulisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kaashanaysa Mashruuca Biyoole ayaa laga Hirgaliyay Degmooyin badan waxana la filayaa in wasaaradu xarun kale ka xarig jarto Degmada Caluula ee Xarunta Gobolka Gardafuu.
 


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo xariga ka jaray Xarunta Daawaynta Xoolaha ee Degmada Baargaal.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×