Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Taageer ee Degmada Baargaal



Baargaal.net::-Wasiirka Caafimaadka Dawlad goboleedka Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta Si ballaaran lagu soo dhaweeyay magaalada Taageer ee Degmada Baargaal Gobolka Gardafuu.


Wasiirka waxaa safar ku wehelinayay Wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Biyaha Puntland, Dr Barre faatax agaasimayaasha qorshaynta iyo addeega caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka Puntland, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Gardafuu, waxaa banaanka magaalada ku soo dhaweeyey Xildhibaan Maxamdd maxamuud Saalax “Abuu Baraa” oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka Puntland ku matala hobolka gardafuu, gudoomiyaha degmada Baargaal odayaasha dhaqanka iyo dadweyne fara badan.

Soo dhawaynta kadib waftiga wasiirka ayaa magaalada lug ku soo dhax maray ilaa ay yimaadeen xarunta caafimaadka ee deegaanka, waxaana uu booqday dhisme cusub oo ka socda xarunta iyo qaybtii hore oo shaqo ka socoto.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay Isuduwaha caafimaadka Gobolka Gardafu iyo maamulka xarunta waxaana la wadaageen shaqada socota iyo dhismaha cusub ee lagu soo kordhiyay.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadka deegaanka soo dhawaynta ay usameeyeen waxaana uu bogaadiyay horumarka ka socda xarunta caafimaadka.















This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Taageer ee Degmada Baargaal

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×