Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Madaxweyne Deni oo Hay’adda Save the Children kala hadlay gurmadka Abaaraha

 


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland

Kulanka Madaxweyne Deni iyo madaxa Hay’ada Save the children ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Badbaadada Caruurtu ka waddo gobolada Puntland iyo sidii loo kordhin lahaa.

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Hay’adda Save the Children uga qeyb qaadan laheyd gurmadka Abaaraha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Hay’adda iyo Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxda Hay’adda Save the Children tageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa

Puntland ayaa waxaa ay kamid tahay maamulada ay degaannadeea ay kajirto abaarta xoogan, waxana horay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu qeylo-dhaan ug diray hay’adaha Caalamiga ah taas oo ku aadan inay u soo gurmadaan.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Madaxweyne Deni oo Hay’adda Save the Children kala hadlay gurmadka Abaaraha

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×