Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Dad ku dhintay God ay dahab ka qodayeen oo ku dumay Gobolka Sanaag

 


Inta la xaqiijiyay ilaa laba Ruux ayaa geeriyootay halka hal qof oo kale uu ku dhaawacmay, kuwaas oo dhammaantood rag ahaa kadib markii uu ku dumay god ay ka qodayeen dahab, degaanka milxo oo katirsan Gobolka Sanaag

Goobta ragga dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka Qodayeen dahabka Ayaa kamid ah dhulka buuralayda ah ee Calmadow, waxaana ragga falkaasi ku waxyeeloobay Goobta ka qaaday rag kale oo la shaqeeynayay

Ciidamo katirsan Booliska Somaliland ayaa tegay Goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo qeyb ka noqday dadka u gurmaday ragga godka ay dahabka ka qodayeen uu ku dumay.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale rag god ay ka qodsyeen dahab uu ugu soo dumay dhulka Buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Dad ku dhintay God ay dahab ka qodayeen oo ku dumay Gobolka Sanaag

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×