Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya Iyo Ajendaha Oo La Shaaciyey

 


Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Arbaco ah waxaa kulankoodii caadiga ay ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ajendaha Kulanka Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa uu yahay Akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka, kulanka ayaa bilaabanaya 10:00 Barqanimo ee Maanta.

Xildhibaanada Golaha ayaa xalay waxaa loo diray farriimo Wargelin ah oo ku aadan in uu jiro kulanka Mudanayaasha, isla markaana Xildhibaanada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmaya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomin doona kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulan ay yeelan wixii ka dambeeysay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhacday 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May 2022.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya Iyo Ajendaha Oo La Shaaciyey

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×