Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

PUNTLAND OO MAXKAMADAYNAYSA RAG KU EEDAYSAN DIL MAXBUUS


Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Qardho Ayaa lagu wadaa in ay maanta bilowdo dhegaysiga dacwadda loo haysto shan maxbuus oo ku eedaysan dilkii marxuum Sharma’arke Warsame Nuux kaas oo todobaad ka hor lagu dhex dilay xabsiga magaalada Qardho.

Shanta eedaysane ayaa dhammaantood qirsan dilkii marxuumka kadib baaritaanno kala duwan oo lagu sameeyay sida ay xaqiijinayaan dad ka tirsan hay’adaha dowladda u qaabilsan dhinaca baarista.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Maxbuus ku xirnaa Xabsi ku yaalla Degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa u geeriyooday jir-dil loo gaystay

Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Sharma’arke Warsame Nuux, waxaana uu ka mid ahaa Maxaabista ku xiran Xabsiga Degmadaasi.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

PUNTLAND OO MAXKAMADAYNAYSA RAG KU EEDAYSAN DIL MAXBUUS

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×