Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Ciidamada Ukraine oo ka baxaya magaalada muhiimka ah ee Severodonetsk

 


Ciidamada Ukraine Ayaa laga yaabaa inay ka baxaan magaalada weyn ee bariga ku taal ee Severodonetsk, taasoo ciidamada Ruushka ay ku dhow yihiin hareeraheeda, sida uu sheegay sarkaal halkaas ku sugan.

Serhiy Haidai, gudoomiyaha Luhansk, ayaa sheegay in Ruushku ay ku sugan yihiin qayb ka mid ah magaalada. “Waxaa suurtogal ah in si aan loo hareerayn ay meesha ka baxaan.”

Ruushka ayaa qabsashada gobolka Donbas oo dhan ka dhigay ujeedo dagaal oo muhiim ah.

Waddada ka baxda magaalada ee aada dhulka ay Ukraine haysato ayaa waxaa ka socday rasaas joogto ah balse weli waa la mari karaa.

Jimcihii ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in Ukraine ay u baahan tahay hababka gantaallada riddada dheer.

Sidoo kale Jimcihii, ciidamada taageersan Ruushka ayaa qabsaday magaalada Lyman oo ku taal galbeedka Severodonetska.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Ciidamada Ukraine oo ka baxaya magaalada muhiimka ah ee Severodonetsk

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×