Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

RW Rooble Oo Imaaraadka Ku Wareejiyay Lacagtii 9.6 Milyan Dollar, Una Dhoofay Abu Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee Madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan oo jimcihii lasoo dhaafay geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhanka kale wasiirka Amniga iyo safiirka Imaaraadka oo warqad ka wata Madaxwaynaha cusub ee DFS mudane xasan sheekh maxamuud ayaa bangiga dhexe kala baxay lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray, taasi oosanadkii 2018 Ciidamada Amniga ay ku qabteen Garoonka Muqdisho ayadoo Ku soogashau qaab sharcidarro ah muddo afar sanno ahna dowladdu ku heysay Bangiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018, laakiin Waxaa go,aankaas hot istasgay Madaxwayne Maxamed c/laahi farmaajo



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

RW Rooble Oo Imaaraadka Ku Wareejiyay Lacagtii 9.6 Milyan Dollar, Una Dhoofay Abu Dhabi

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×