Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Ciidamada EUNAVFOR ee xeebaha Soomaaliya oo gacanta ku dhigay 4 tan oo xashiishad

Intii lagu guda jiray kormeerka joogto ah oo Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya ee loo yaqaan EUNAVFOR ay ku ilaalinaysay maraakiibta isaga kala goosha Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya, waxay ciidammada badda Faransiiska LHD Mistral iyo Frigate Courbet, kana qayb ah Atalanta, ay gacanta ku dhigeen 4. tan oo xashiishad ah iyo 90 kiilogaraam oo heroin ah oo saaran doon aan calan lahayn.

Kadib hawl gal ay dhawaan sameeyeen bishii February ee la soo dhaafay guddiga siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub, waa markii ugu horreysay oo EUNAVFOR Somalia Hawlgalka Atalanta uu tallaabo ka qaado ka ganacsiga daroogada oo uu fuliyo hawlgal . 

Ballanqaadka dawladaha xubnaha ka ah Atalanta, sida Faransiiska kiiskan, wuxuu u oggolaanayaa Hawlgalku inuu yeesho baaxad ballaaran oo ay ku ballaarinaayaan habkiisa hawleed iyo awoodiisa si waafaqsan waajibaadkoodaa.

Guushaas ayaa muujineysa in Howlgalka Atalanta uu awood u leeyahay inuu fuliyo dagaalka ka dhanka ah tahriibinta sharci darrada ah marka laga soo tago howlihiisa asaasiga ah. 

Hawlgalka Atalanta waxa uu caddeeyey waxtarkiisa la dagaalanka budhcad-badeedda 14-kii sano ee la soo dhaafay, iyada oo ay weheliso ilaalinta maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka iyo kuwa kale ee nugul, hawlgalkan adag ayaa weli ah hawsha asaasiga ah ee ATALANTA.

Wadashaqeynta iyo tayada la-hawlgalayaasha istaraatiijiga ah ee taageeraya howlgalka Atalanta, iyo sidoo kale quruumaha wax ku biiriya Atalanta ayaa muhiim u ah guusha aan ku gaarno dadaalka sugidda amniga iyo la dagaallanka dambiyada ka dhaca Badweynta Hindiya





This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Ciidamada EUNAVFOR ee xeebaha Soomaaliya oo gacanta ku dhigay 4 tan oo xashiishad

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×