Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DOONYO WAX KU BUUFINAYA BADDA OO LAGU ARKAY XEEBAHA PUNTLAND

 


Kalluumeysatada ka jillaabta Xeebta Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ayaa ka cabanaya doonyo kalluumeysi sharci-darro ah oo wax ku buufinaya badda si kalluunka badan uga soo baxo.

Qaar kamid ah Kalluumeysatada ayaa  warbaahinta u sheegay in xeebta degmada Xaafuun ay buux dhaafiyeen doonyo kalluumeysi oo sharci-darro ah islamarkaana wax ku buufinaya badda.

Waxay sheegeen in doonyahaas ay saaran yihiin qalab lagu buufinayo badda kaas oo kalluun badan oo wada sirirsan (suuxsan) ka soo saaraya gudaha badda kadibna ay si fudud doonyaha ugu rarayaan.

Cabashooyinka la xiriira Kalluumeysiga sharci-darrada ah ayaa mudda dheer ka taagan xeebaha Puntland gaar ahaanna Gobolada Bari iyo Gardafuu  iyadoo aysan jirin weli cid wax ka qabatay 



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DOONYO WAX KU BUUFINAYA BADDA OO LAGU ARKAY XEEBAHA PUNTLAND

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×