Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Heeso xul ah : Baro 10 ka hees ee murtida leh iyo macnaha



Waxaan halkaan kuugu diyaarinay Heeso macaan oo xul ah kuwaasoo ka kooban 10 hees oo murti leh. Hadaba waaa kuwee?

Heeso macaan oo xul ah, Baro 10 ka hees ee murtida leh iyo, heeso xul ah, heeso jaceyl,maan dumar oo qoraal ah, heeso qoraal ah, heeso xul ah, hees jacayl qoraal ah, cumar dhuule, cabdiqaadir juba, saynaba laba dhagax, saynab cige, lafoole, sahra axmad,, Xasan aadan samatar, hees jaceyl, fanaaniinta, erayo jaceyl, heeso qarami

Waxaa miiska inoo saaran 10 ka hees ee murtida leh iyo fanaaniinta kala ah

Cumar Dhuule Cali ( Cumar Mahdi )
Maxamed Xasan Xuseen ( Lafoole )
Maxamed Mooge Liibaan
Xasan Aadan Samatar
Sahra Axmed Jaamac
Saynab Ciga
Saynab Laba dhagax
Nimco Dareen & Caydaruus Halyeey
Sahra Axmed Jaamac
Cabdiqaadir Juba

Heeso macaan oo xul ah
1. Heeso Qoraal ah: Cumar Dhuule Cali „Nin Haween Jeclaaday”

Nin haweeyn jeclaaday
Hawl iyo dhibaatiyo
Waayi maayo hadimee
Anoo kuu hanweynweyn baad
Halbowlaha i go'ysoo
Warba iima haysidee
Hadal tiro ma fiicnee
Adoon iga haraadin
Maxaa kulaa hagaagsan
Inaan kaa hadhaan
Iminka taladeed hayaa
Hadaynaan heshiinayn
Wa inaynu kala hadhnaa
Kala hawl yaraysanaa
Hadiway baxaysaa
Ilayn haybsan maaye
Aan kaa horeeyee
Haddii kale aan hoydoo
Halkii loo badnaa iyo
Aakhiro u hayaamee
Hadal tiro ma fiicne
Adoon iga haraadin
Maxaa kulaa hagaagsan
Inaan kaa hadhaan
Imika taladeed hayaa
Hadaynaan heshiinayn
Waa inaynu kala hadhnaa
Kala hawl yaraysanaa.

2. Heeso Qoraal ah
Dabac sanida hadalkiyo
Degenaantu inanyahay
Waa waxa dareenkiyo
Nafta damaca geliyee
Kaaga doortay qeyrkee
Dugsi dhaxanta celi iyoo
Dawadayda ii tahay
Adigoo dal dheer jiraan
Halkaan kaa dareemaa
Deeqo waan ku jecelahay
Dabcigaaga wacan iyoo
Dulqaadka iyo xishoodkaba
Ma wax laguugu deeqoo
Daa'inkey ku uumaa
Sharaf kugu dawgalay
Qalbigaa ku doogsadoo
Deeqaay aragtidaadoo
Adigoon dal dheer jiraan
Halkaan kaa dareemaa
Deeqo waan ku jecelahay.

3. Heeso Qoraal ah: Maxamed Mooge Liibaan „miyaan xalayto jiifsaday”

Jirku muu dubaaxsheen
Naftanoon ku jirinoo
Cirku jabaqa ma keeneen
Tiyoon jirin daruurtu
Ifka lamaba joogeen een een
Dhulkaan oon la jiifinee
Ogobeey jacaylkuna
Waxaan jirin hadduu yahay
Jaleecadaan ku eegaba
Jirro ima haleesheen
Mana jiriricoodeen een een
Intaan jahawareere
Miyaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Riyaad igula joogtee
Miyaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Hadhkaaga ila joogee
Micidee dhul jiiftiyo
Jillab qodaxle waa halis
Hadaad guuro Jiidhee
Jiiciyo cadaadee
Micidee dhul jiiftiyo
Jillab qodaxle waa halis
Hadaad guuro jidhee
Jiiciyo cadaadee
Jidhin waad ku xidhantaa
Jeerin uu dhul ku yaallee
Jidiin wuxuu cadaada
Uma oonku jebiyaa
Markaad jeex abaariyo
Jid cidla ah lugeysee
Jabka kaa ka sii daran
Hiihee haahaa
Hayaay waa jacaylkee
Miyaan xalyto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Hadhkaaga ila joogee
Miyaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Riyaad igula joogtee
Igu curay jacaylkii
Igu jebi silsilad adag
Intuu jaanta kuu rogay
Adna kula jiciiree
Intuu caynka kuu jaray
Hiihii haahaa
Anna heesa gu jebi
Jirridayna dhigayoo
Labadeena jeex qura
Jirjirka isu keen geli
Waxay talana joogtaa
Ama hadal ku jaranyahay
Hiihii haahaa
Doqon waa la jiitaa
Miyaan xalyto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Hadhkaaga ila joogee
Miyaan xalayto jiifsaday
Jirjirkaba miyaan dhigay
Riyaad igula joogtee

4. Heeso Qoraal ah: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed „Saylo”
1. Xasan Aadan Samatar:
Sayloo guyaal badan
Soo baxa kaliishii
Seelseelna loo degay
Sannad geelu badi dhalay
Oo sidigtii laalays
Nirguhu aanay socod baran
Beeraha sintoodiyo
Kaymo saar leh loo dhigay
Ooo igadh mid yari sabo
Maqaar lagu salaaxay
Saameeshay gaawaha
Oo baarqab soohani
Isagoo ah laba-Sabar
Soofeeyey micidoo
Ka sanqadhiyey doobtii
Salaaddiina roorsaday
Ugabkii u saniyo
Surmo dheer la tiigsaday
Saqdii dhexena roob helay
Subixii bariisada
Siddoodaan jaceecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaaa


2. Sahro Axmad Jaamac:

Sange Subag idaad iyo
Sumal baridii lagu shubay
Ooy sabada ceelkiyo
Sohdu tahay agtiisoo
Loogu dhaansho sabadada
oo sudiyo howd sare
Seddex guure daaqdoo
Weli aan sedyari arag
Ooo seeto iyo dabar
Labadaba ka saahiday
Ooo salow dagaal iyo
Ninkii geyin saraayaha
Oo sararta naaxdiyo
Timuhu ay isku seexdeen
Oo seyn-Gargorkii
Loo salaxa guudkoo
Saxarkii ku duuliyo
Looga mayro siigada
Loo saaro kooraha
Cigalkiina loo suray
Sarajoogga iyo muuq
Sankuneefle kaligaa
Adaa suuraddiise leh

3. Xasan Aadan Samatar:

Sagal gaaxday roob subax
Seermaweydo ku onkodey
Waaguna ku sarakacay
Sarajoog nin dhererkii
Cadceedduna la siman tahay
Nuurkuna sagootiyey
Oo waqal sindadab iyo
Guulaamo socotiyo
Kala soocday dhibicii
Ooo midab sibaaqiyo
Cadaan wada siraatiyo
Madoow suul-dhalaal xiga
Seddexdaa mid uun yahay
Qof suureeyey kala garan
Oo beel sanaagiyo
Ku surmiday saraar godan
Saadaalinaysoo
Bal halkuu ku simo iyo
Sugayaan inuu helo
Subixii bariisada
Sidoodaan jalleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa

4. Sahro Axmed Jaamac:
Dhulka saacu wada gaadh
Waanu kala sed roonyee
Meel idaha seel u leh
Riyahana salool u leh
Oo geela saar u leh
Oo dirir sagaariyo
Sagaal gudcurkuna helay
Saga xareedaan
Biyuhuna sunsumayaan
Oo saawasaawiyo
Saxal cudur lahaynoo
Salka looga degay nabad
Oo saraarta dixdiyo
Simantahay Dareemadu
Oo sebiga caanihii
Lagu siiyey golihii
Habluhuna sibraar iyo
Dhiilo saabka loo tolay
Sinta bidix ku qaadeen
Subixii bariisada
Sidoodaan jaleecada
Saxansaxo udgoon badan
Sanka kuula raacaa
5. Heeso Qoraal ah: Lafoole „Qalbi Lula”
Qoyskaad ka dhalatiyo
Qolqolkaad ku abaabtiyo
Qaali hooyadaa iyo
Qumanihii ku dhalay baa
Qalad kaa ilaalshoo
Waa qiima badan tahoo
Alle qaadiraa ogee
Qalbigaad ku taalaa
Qurux lama wadaagee
Naftu kugu qabowdoo
Qalbi lula inaad tahay
Hibooy caawa qirayaa
Waxaa nolosha qaaliya
Dadku qiimo ku leeyahy
Is qadarinta Guurkiyo
Qorma inay yagleelaan
Dumar qalanjadoodiyo
Qaalidii haweenkaay
Qeyb taan u helayee
Qalbigaad ku taalaa
Qurux lama wadaagee
Naftu kugu qabowdoo
Qalbi lula inaad tahay
Hibooy caawa qirayaa

6. Heeso qoraal ah: Seynab Ciga „Kala dooro waayaha”

Naftu waxay dabacdaa
Ama daawadeeda ah
Ruuxii daryeelee
Mar hadday dareento
Dibin daabyo iyo murug
Tii diida weeyoo
U dabci mayso waligeed
Anna waxaan dabaylo
Hawada aan u sii diro
Jaceyl aniga ii daran
Wadnaha dhiigaa dumoo
Deeqsiiya oogada
Sambabada dushooda
Iga baxa dayaan
Ka durduurta xididada
Ka durduurta xididada
Ka durduurta xididada
Waan daayay maantee
Axadkii dareemow
Dib waxay ka noqotana
Kala dooro waayaha
Naftu waxay duwatoo
Hadba dooni saarto
Dakhalkeedu jaban yahay
Sariirtaan dusheedii
Daawadaa hawada sare
Ilaa waagu daalaco
Ha daakiraan wadaadadu
Anna waxaan dabaylo
Hawada aan u sii diro
Jaceyl aniga ii daran
Doogtii taal feedhaha
Danqashada ka daayoo
Sambabada dushooda
iiga baxo dayaan
Ka durduurta xididada
Ka durduurta xididada
Ka durduurta xididada
Waan daayay maantee
Axadkii dareemow
Dib waxay ka noqotana
Kala dooro waayaha

7. Heeso Qoraal ah: Saynab labad dhagax „Dhaayo Jaceyl”

Waxa aan la dhacayaa la dheeldheeliyaayaa
Waa dhaawacaagee
Lafta dheere dhabarkiyo
Dhagahaa i culusoo
Waxba qaadi maayee
Dhayihii jaceylkoo
Waan kaa dhursugayaa
Ha iga dhicin
Ha iga dhumin
Habeen ha iga dhixin
Ileyn waa dhibkaygee
Waxa aan la dhuubtee
Dhuunigiina iga jaray
Waa dhibaatadaadee
Dhiigeygii baa tahay
Aaan ku dhaaranaayee
Soo yara dhawoow
Dhayihii jaceylkoo
Waan kaa dhursugayaa
Ha iga dhicin
Ha iga dhumin
Habeen ha iga dhixin
Ileyn waa dhibkaygee

8. Heeso Qoraal ah: Nimco Dareen iyo Caydaruus Halyeey „Ku tabay qalbigaa ku tabay”

1. Caydaruus Halyeey:
Ku tabay qalbigaa ku tabay
Ka tagay hurdo waan ka tagay
Talmayo had iyo jeer
Jaceyl baa igu tarmoo
Tusaalo in aan noqdoo
Tilmaan dadka iga dhigtaan
Tallaabaan u soo jiraa
Taariikh dheerna waan ku sugay
Jaceyl baa tankey ka weyn
Aniga uma taak hayee
Ku tala gal ku talo gal
Hooy ku talo gal inaad timaad
Teleefoon wax iima taree

2. Nimco Dareen:
Tumaatidii jaceyl ahaa
Dhabteyda ku taagantoo
Dartaa aan u tiicayaa
Tabtu caashaqu ibaday
Tusaalo in aan noqdoo
Tilmaan dadka iga dhigtaan
Tallaabaan u soo jiraa
Taariikh dheerna waan ku sugay
Jaceyl baa tankey ka weyn
Aniga uma taak hayee
Ku tala gal ku talo gal
Hooy ku talo gal inaad timaad
Teleefoon wax iima taree

9. Heeso Qoraal ah: Cabdiqaadir Juba „Sagal”
Sagal horay oo da'ay
Dhibcihiisi soo simay
Saxansaxo udgoon bada
Sadriga iyo laabta
Sidaa tahay i deeqdee
Su'aalahaan ku weydiiyay
Sax miyaa jawaabtani
Si kastaba ayaamuhu
Ha is daba socdeenee
Waaan sal gaadhay caashaqa
Saddex saniyo dheeraad
Caashaqii sahansaday
Sambabada jidhkaygiyo
Saameeyay feedhaha
Haddii aadan saacidin
Sucaadeey walaaleey
Naftu way iga socon lahayd
Si kastaba ayaamuhu
Ha is daba socdaanee
Waan ka salgaadhi caashaqa

10. Heeso Qoraal ah: Sahro Axmed „Naf Ku Jecel Aduunyada”
Naf ku jecel aduunyada
Baa u waan wax nololiyo
Nabad lala wadaagoo
Nimco lagula waaree
Ma nugliye kalgacalkaa
Naariyo ka daran olol
Markuu nudayga kaa galo
Nabar weeye halisee
Ee taa nabdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Hayga moodin nacasnimo
Anna haddii aan ku naawilay
Naqba waa la dhowraa
Nasiib haygu kaa simo
Nacab iyo sokeeyaba
Neefteydu diidoo
Ma nasto jaceyl baa
Naqbi ila haleelaye
Igu noqy mid halis oon
kaba nuuxsan wayoo
Naftoo qalbigii buu
Nudub iga samaystee
Ee taa nabdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Hayga moodin nacasnimo
Anna hadii aan ku naawilay
Naqba waa la dhowraa
Nasiibku haygu kaa simo
Neecaaw da'aysoo
Onkod hawada ka hayaa
Iga heshay nugaal oon
Kaligay ku noolee
Adna kayn nabadliyo
Dhul naruuro joogtaa
Naxdin lii ku hurudaaa
Nabsiga dhowri meysidee
Ee taa nabdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Hayga moodin nacasnimo
Anna haddii aan ku naawilay
Naqba waa la dhowraa
Nasiib haygu kaa simo


DHAMAAD!


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Heeso xul ah : Baro 10 ka hees ee murtida leh iyo macnaha

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×