Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada puntland oo si diiran loogu Soo dhaweeyay Garowe

 

Waxaa maanta si diiran magaalada Garoowe ee caasimada Puntland loogu soodhaweeyey wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada puntland Mudane,Axmed Yuusuf Qahar oo dalka dibadiisa kayimid, soodhawaynta wasiirka waxaa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirada, wasiir kuxigeenada wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, xubno kamid ah golaha wakiilada, agaasimeyaasha iyo shaqaalaha wasaaradda, cuqaal, siyaasiyiin iyo dadweyne aad u farabadan.

Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Muusse oo kamid ah golaha wakiilada islamarkaasna ku hadlayey afka golaha ayaa siwayn ugu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka, Beeraha Iyo Isbedelka Cimilada, xildhibaanku wuxuu sheegey in wasiir Axmed Yuusuf Qahar oo daljoog ah uu kuhanwaynahay inuu waxwayn ka qaybandoono howsha balaaran ee loo idmay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha Iyo Isbedelka cimilada Sanotar. Seynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye) oo ku hadashay afka shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda Deegaanka ayaa sheegtay in wasaaraddu ay siwayn usoo dhawaynayso wasiirka cusub islamarkaasna ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan dhamaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaraddu.

Wasiirka wasaaradda Howlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta dawlada Puntland Mudane, Axmed Bashiir Muuse oo isna kamid ahaa wasiiradii soo dhaweeyey wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Axmed Yuusuf Qahar ayaa dhankiisa sheegey in uu ku faraxsanyahay inuu soodhaweeyo wasiirka cusub oo uu sheegey inuu yahay in dhalinyaro ah oo sifiican u fahansan dalka islamarkaasna waxwayn qaban kara wasiirku wuxuu sheegey in taageero dhanwalba ah ay lagarab taaganyihiin wasiirka cusub.


Wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada puntland Mudane,Axmed Yuusuf Qahar oo gabagabadii ka hadlay soodhawayntiisa ayaa u mahadceliyey madaxdii, shaqaalihii wasaaradda, xubnihii ka socday golayaasha dawlada, saaxiibadiis iyo dadweynihii faraha badnaa ee soodhaweeyey, Wasiirku wuxuu sheegey inuu diyaar u yahay in dalkiisa uu u shaqeeyo isagoo madaxweynaha dawlada Puntland-na uga mahadceliyey fursada uu usiiyey inuu dalkiisa ugu shaqeeyo, wasiirku wuxuu sheegey in uu kalsooni ku qabo inuu hogaamintiisu ay waxbadan kusii kordhin doonto shaqooyinkii horey uga socday wadanka.
















Sii Akhri Read More


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada puntland oo si diiran loogu Soo dhaweeyay Garowe

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×