Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Sawirro: FARMAAJO oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qatar

 


Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwadiisa Saynab Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Farmaajo iyo Wafdigiisa Ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Xamad Al-kawari oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan dowladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxaa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya munaasabadda furitaanka koobka kubadda cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee dalalka Carabta, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.”

Sida ay sheegtay madaxtooyada, safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood.

Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.










This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Sawirro: FARMAAJO oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qatar

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×