Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Guriceel:-Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay saldhiga Booliska iyo xarunta degmadda.

 


Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa la wareegay Saldhigga booliska iyo Xarunta degmadda Guriceel, waxaana hadda la arkayaa Gaadiidkooda dagaalka oo wadada laamiga dhexmaraya ka dib dagaal xooggan ka dhacay bartamaha magaaladda.

Dhanka kale waxaa wali dagaal culus oo saacado badan qaatay ka socdaa dhanka Waqooyi gaar ahaan Ceel Cali Faarax iyo dhanka berri ee Jaamacadda.

Waxaa gubanaya oo Hoobiye ku dhacay Goob Caafimaad oo u dhaw Masjidka Munawar ee degmadda Guriceel.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan inkatoo aan wali la xaqiijin khasaaradaha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Guriceel:-Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay saldhiga Booliska iyo xarunta degmadda.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×