Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Ciidamada badda Iran oo iska caabiyay weerar ay burcad -badeed ku qaadeen maraakiib shidaal oo marayay gacanka cadmeed

 


Tehran: Markab dagaal oo Iran leedahay ayaa Sabtidii Iska Caabiyay Weerar ay burcad -badeed ku qaadday laba markab oo kuwa shidaalka ah oo uu ku galbinayay gacanka Cadmeed, sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Badda ee dalkaas.

"Ciidamada kumaandooska badda ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan saaka weerar ay burcad -badeeddu ku qaadeen kolonyo ganacsi oo Iiraan leedahay oo Marayay Gacanka Cadmeed," ayuu yiri taliyaha ciidamada badda Admiral Shahram Irani, oo Sabtidii ay soo xigatay wakaaladda wararka ee IRNA.

“Markabka lborz wuxuu waday laba markab oo kuwa shidaalka ah markii ay weerareen shan saxiimadood oo burcad -badeed ah,” ayuu yiri, isagoo xusay in rasaasta badan ay rideen, taasoo ku qasabtay kuwii weerarka geystay inay ka baxaan aagga”.

Hadalkaas ka Soo yeeray Taliyaha ciidanka badda iiraan ayaa wali wax tafaasiil ah oo aritaas dheer Laga hayn 

Sii Akhri Read More


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Ciidamada badda Iran oo iska caabiyay weerar ay burcad -badeed ku qaadeen maraakiib shidaal oo marayay gacanka cadmeed

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×