Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay dhameystirka arrimaha doorashada

 


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Washington DC ayaa la kulmay Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Nicolas De Reviere.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto iyo in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyadoo si buuxda loo dhaqan gelinayo qorshaha kala -guurka iyo dib -u -habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay soo dhameystiraan hanaanka doorashada soo socota, oo u baahan inay noqoto mid hufan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Danjiraha sida uu u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Waxaa isa soo taraya baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aaddan in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan doorashooyinka Soomaaliya sannadkan.

Sii Akhri Read More


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay dhameystirka arrimaha doorashada

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×