Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

MADAXWEYNE DENI OO WARQAD CODSI AH U DIRAY GUDDOONKA BAARLAMANKA

 


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan warqad codsi ah  u diray Guddoonka Baarlamanka taas oo uu ku dalbanayay in hal maalin dib loo dhigo Kal-fadhiga Baarlamanka oo furmi lahaa 25-ka October.

Madaxweyne Deni Ayaa sida wararku sheegayaan codsigiisa ku sababeeyay in ay isku beegan yihiin furitaanka Kal-fadhiga iyo Doorashada hordhaca ah ee laga Qabanayo Saddexda Degmo ee Qardho Eyl iyo Ufayn.

Codsiga kadib Madaxweynaha iyo Guddoonka ayaa isla gartay in hal maalin lagu daro furitaanka Kal-fadhiga islamarkaana laga dhigo 26-ka October si aysan ugu beegmin Doorashooyinka hordhaca ah ee saddexda degmo.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu 25-ka October Magaalada Qardho ka daah-furo Doorashada hordhaca ah oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan lagana qabanayo saddexda degmo

Sii Akhri Read More


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

MADAXWEYNE DENI OO WARQAD CODSI AH U DIRAY GUDDOONKA BAARLAMANKA

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×