Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Agaasimaha Warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya oo sheegay in Fahad Yaasin lagu xannibay Jabuuti

 


Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed oo wehelisa.


Qoraal dheer oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in Fahad Yaasiin uu Berri ka qeyb galayo Shirka Amniga Qaranka, waxaana uu dowladda Jabuuti ka codsaday inay si degdeg ah socdaalkiisa u fududeeyaan Fahad Yaasiin iyo xubnaha la socda.


Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.


Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.


Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS 
Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo berri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

DHAMMAAD
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya





This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Agaasimaha Warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya oo sheegay in Fahad Yaasin lagu xannibay Jabuuti

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×