Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Taalibaan oo Bedeshay Calankii Afghanistan



(Kaabuul - Baargaal.Net)-Taalibaan ayaa calankooda ka taagay xarunta madaxtooyada Afghanistan Sabtidii, sida uu xaqiijiyay afhayeenkooda, xilli Mareykanku xusayo sanad-guuradii 20 -aad ee weeraradii 11 -kii September.

Ra’iisul wasaare Mullah Mohammad Hassan Akhund Ayaa calanka ka taagay madaxtooyada sida uu sheegay Ahmadullah Muttaqi, oo ah madaxa laanta warbaahinta ee guddiga dhaqanka Taalibaan.

Taagista calanka ayuu afhayeenku sheegay in ay billow u tahay bilaabashada shaaqada xukuumadda cusub,

Ku dhawaaqista golaha wasiirrada Taliban ee dhawaan la shaaciyay ayaa lagu dhaliilay in dhammaan xubnaha golahaasi ay rag yihiin oo aanay dumarka wax xubno ah ku lahayn.



Labaatan sano kadib, Taalibaan ayaa dib ugu soo laabatay Kabul, Mareykankuna waa ka baxay dalkaas, isagoo soo afjaray dagaalkiisii Laba Toddobaad kahor sannad -guuradii 20 -aad ee 9/11 iyo laba toddobaad ka dib markii Taalibaan ay ku laabteen caasimadda Afgaanistaan 15 -kii Agoosto.

Taliban ayaa ballan qaadday in dalkeeda uu noqon doono mid nabadgelyo kula noolaada dunida inteeda kale.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Taalibaan oo Bedeshay Calankii Afghanistan

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×