Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Shaqaale Ajaanib ku xayirnaa Xeebaha Puntland oo dalkooda lagu celiyay



Safaaradda Indonesia ee Nairobi ayaa ku guuleysatay inay dib u soo celiso 12 shaqaale oo u dhashay dalkeeda, kuwaas oo muddo ka badan siddeed bilood ku xayirnaa markab kalluumeysi oo lagu magacaabo Liao Dong Yu oo ku sugnaa xeebaha Puntland.

Danjiraha Indonesia Kenya, Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo M Hery Saripudin Ayaa Sheegay in dhammaan shaqaalaha markabka ay ku shaqeynayeen xaalado nololeed oo aad u liitay.


Safiirka ayaa sheegay in shaqaalahaan oo qandaraasyada ay ku shaqeynayeen uu dhamaaday horraantii 2021, ay shirkadaha shaqaaleysiisay ku qasbeen inay ku shaqeeyaan cadaadis.

Habka dib loogu soo celinayay shaqaalahan u dhashay dalka Indonesia waxay bilaabatay subaxnimadii Axadda, Ogosto 22, 2022 kaddib markii doonyo yar loogu diray xeebta magaalada Xaafuun ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

27kii Ogosto 2021, ayay shaqaalahaan ka ambabaxeen Soomaaliya kuna sii jeeday Indonesia iyagoo sii maray Addis Ababa, Itoobiya, waxayna dalkooda gaareen Sabtidii 28ka Ogost.

Saddex ka mid ah shaqaalahan oo lagu kala magacaabo, Irvandi Wabula, Riki Rikardo iyo Valentino Vrangklen Lontaan, ayaa isla markiiba ay dalkooda tageen waxaa loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Shaqaale Ajaanib ku xayirnaa Xeebaha Puntland oo dalkooda lagu celiyay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×