Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

AMISOM oo tababar siisay Boolis suga amniga doorashooyinka

Maamulka Qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka.

Tababarkaan oo socday muddo shan maalmood ah,waxaa ka qeyb galay15 sarkaal  oo ka tirsan Booliiska Jubbaland,kuwaas oo iyaguna sii tababari doona Ciidamada kale ee Booliska Jubbaland..

Tababarkaan mudadii uu socday waxaa lagu qaatay maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta,qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo ilaalinta nidaamka dadweynaha iyo xakamaynta dadka. .

Kormeeraha guud ee tababarka, Edward Kebbie Sesay oo ka tirsan Booliska AMISOM, ayaa sheegay in tababarkan uu siisay booliiska Soomaaliya xirfado ka caawin doona inay waajibaadkooda u gutaan si xirfad leh.

“Koorsada waxaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliyayaasha saldhigyada xirfadaha, aqoonta, hab -dhaqanka si hufan loo maareeyo loona wareejiyo xirfadaha, aqoonta iyo dabeecaddaah ayuu yiri” Edward Kebbie Sesay.

Gaashaanle Sare Jaamac Axmed Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubaland ayaa sheegay in xirfadaha ay heleen saraakiishan ay waxtar u yeelan doonaan abuurista jawi nabdoon inta lagu guda jiro doorashada, taas oo muhiim u ah guusha hannaanka doorashada.

“Tababarku wuxuu ahaa mid faa’iido leh maadaama diiradda lagu saaray sidii booliisku u ilaalin lahaa sharciga iyo kala -dambaynta gaar ahaan xilligan oo ay Soomaaliya ka dhacayso doorashooyinka Senetka iyo Golaha Shacabka,” ayuu yiri Col. Jaamac.

AMISOM iyo ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa loo xilsaaray sugidda amniga doorashooyinka ka socda Soomaaliya, iyadoo booliiska Soomaaliya uu hoggaanka u hayo, halka booliiska AMISOM uu kaalin taageero ka qaadanayo.



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

AMISOM oo tababar siisay Boolis suga amniga doorashooyinka

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×