Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Xulka Gobolka Sanaag bareejo 4-4 la galay dhigiisa Gobolka Sool ciyaar xiiso badan


(Baargaal Sports): Xulka kubbadda cagta gobolka sool ayaa  barbardhac waqti danbe ah la galay dhigiisa gobolka sanaag , ciyaartii labaad ee  tartanka gobollada Puntland.

Goolka bareejada  waxaa Gobolka sool u dhaliyayy  daqiiqadihii ugu danbeeyay  qeybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan khubayl

laacibka xulka gobolka sanaag  Bahwal ayaa  wacdro dhigay  kulankii galabta oo ku hogoominaayo liiska gooldhalinta asagoo kaligiis dhaliyay 4 gool  laakin xulka Gobolka Sool ayaa u diiday inuu kooxdiisa guul u hoyo 

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay galab  garoonka Mire Awaare ee Garowe ka furay tartanka gobollada Puntland oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood oo kala ah Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag, Haylaan, Karkaar, Ceyn iyo Gardafuu.

Waxaa guruubka  kulankii shalay wada ciyaaray kooxaha bari iyo nugaal iyadoo guushu raacday koocda Gobolka Bari oo 1-0 uga adkaatay dhigeeda gobolka nugaal 

tartanka ayaa loo qaybiyay gobolada sagaalka ah ee puntland laba group oo Group ‘A’ ku wada jira Nugaal, Bari, Sool, Sanaag iyo Haylaan, halka guruubka ‘B’ ay ku wada jiraan Mudug, Karkaar, Gardafuu iyo Ceyn.

Tartanka kubbadda cagta gobollada Puntland ayaa socon doona muddo 15 beriya.






BAARGAAL SPORTS 



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Xulka Gobolka Sanaag bareejo 4-4 la galay dhigiisa Gobolka Sool ciyaar xiiso badan

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×