Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Masuuliyiin ka Qayb Galaya Furitaanka Kalfadhigii 8-aad ee Golaha Deegaanka Degmada oo Baargaal soo gaaray



Waxaa Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu beryahan soo gaarayay masuuliyiin ka tirsan  Gobolka gardafuu oo kormeer shaqo iyo sidii loo dardargalin lahaa hawlaha shaqo ee dawlada hoose ee degmada Baargaal  usoo gaarayay degmada ayagoo  bari ka qaybgalaya furitaanka Kalfadhigii 8-aad ee golaha deegaanka Degmada baargaal oo Bari furmaya

masuuliyiintaas waxaa caaway ugu danbeeyay oo soo gaaray degmada Baargaal isuduwaha wasaarada arimaha gudaha fadaraalka iyo dumuqraadiyeyn ee gobolka gardafuu mudane C/qaadir maxamed jaamac ( C/qaadir caato ) 

Horay waxaa Degmada Baargaal Ugu sugnaa Gudoomiyaha Gobolak Gardafuu Dr Muuse saalax guuleed , iyo sidoo kale Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Gardafuu Mudane Maxamed Axmed Jeeg oo todobaadka ka waday degmada baargaal kormeer shaqo oo ay ku booqanaayeen xarumaha Dawlada  kuna dardargalinaayeen shaqooyinka socda iyo cashuuraha qaybaheeda kala duwan 







This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Masuuliyiin ka Qayb Galaya Furitaanka Kalfadhigii 8-aad ee Golaha Deegaanka Degmada oo Baargaal soo gaaray

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×