Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Taliyaasha Booliiska Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay G/doorashada ee lagu muransanyahay,Maxaa is bedelay?

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa kulan is barasho ah u sameeyay Guddiyada maamulaya Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada iyo Taliyeyaasha Booliiska ee Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir.

Kulabnka isbarashada ah waxaa goobjoog ka  ahaa Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar,iyada oo la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira doorashooyinka iyo sida loo sugayo amnigooda.

Taliyeyaasha ka socday Dowlad Goboleedyada ayaa magaalada Muqdisho toddobaadkan uga qeyb galay shir saddex maalin socday oo ku saabsanaa amniga doorashooyinka kas oo u dhaxeeyay AMISOM,dowladda fedraalka iyo maamul gobaleedyada.

Jubbaland iyo Puntland ayaan weli soo magacaabin xubnaha guddiga doorashada ee looga baahnaa hase’ahaate waxaa shuruud ay uga dhigeen in dowladdu ciidamada ay geysay ka soo saarto gobolka Gedo iyo xuduud beenaadka soomaaliya la wadaagto kenya 



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Taliyaasha Booliiska Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay G/doorashada ee lagu muransanyahay,Maxaa is bedelay?

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×