Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Mas’uuliyiinta Puntland u jooga gobolka Bari oo maanta kulan xasaasi ah laysugu yeeray & qodobada looga hadlay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa maanta ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Puntland ee xilalka ka haya gobolka Bari gaar ahaan maamulka gobolka iyo isku duwayaasha gobolka Bari.

Shirkaan oo ahaa mid aad xasaasi u ah waxaa looga arrinsanayey xaaladda guud ee gobolka shaqooyinka ay Puntland ka waddo, bilicda magaalada Boosaaso iyo dhismaha garoonka kubadda cagta magaalada Boosaaso.

Mudadii kulanku socdey waxaa kaloo laysla soo qaaday xaaladda dekedda magaalada Boosaaso kadib cabasho katimid shacabka iyo u diyaar garawga martigelinta doorashada xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Arrimaha kale ee looga hadlay shirka waxaa kamid ahaa ammaanka ee gobolka Bari, caafimaadka, horumarinta waxbarashada, Dhismaha golayaasha deegaanka iyo arrimo kale

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Abwaan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ay ka socoto gobolka loona baahan yahay in la dardargeliyo shaqooyinka dhiman oo horumarinta garoonku kamid tahay.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Mas’uuliyiinta Puntland u jooga gobolka Bari oo maanta kulan xasaasi ah laysugu yeeray & qodobada looga hadlay.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×