Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Taiwan oo dacwad kusoo oogtay nin amar ku bixiyay in la toogto Burcad badeed Soomaali ah.





Wang Fenyu wuxuu kaptan ka ahaa doon kalluumeysi ah oo Laga Leeyahay Taiwan oo sanadkii 2012 mareysay meel u dhaw xeebaha Soomaaliya.

Ninkan ayaa la xiray bishii Agoosto kaddib markii doonii uu waday ay gaartay dekedda ku taalla Kaohsiung ee Taiwan.

Wararka waxay sheegayaan in calooshood u shaqeystayaal u dhashay Pakistaan oo uu shaqeynayay kaptanka ay toogteen ragga soomaalida ee lagu tuhusanaa falal burcad badeednimo ah kaddib amarka kasoo baxay kaptanka.

Wang wuxuu ku anddacooday in sababta uu amarka ugu bixiyay in la toogto ay aheyd cabsi laga qabo inay baxsadaan isla markaana ay goobta timaaddo burcad badeedka kale si ay u afduubtaan markabka.

Warbaahinta Taiwan ayaa ku warrantay in ninkan lagu soo oogay dacwad ah in uu geystay falal dil ah iyo inuu sitay hub isla markaana uu ku xaadgudbay sharciga adeegsida hubka.

Waxayna dhacdadan soo ifbaxday markii ay soo baxeen muuqaallo lagu qaaday teleefoonka gacanta oo muujinayaa afarta qof ee soomaaliga ah oo lagu dhex tooganayo badda xilli ay ku sugnaayeen goob boqolaal kiiloomiitar u jirta xeebaha Soomaaliya.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sanado badan ka cabanayay in dhacdadan ay muujineyso kala danbeyn la’aan ka jirto xeebaha iyo in la xakameyn la’yahay doomaha laga leeyahay Taiwan ee sida sharci darrada uga kalluumeysto xeebaha Soomaaliya.

Sanadkii 2012-kii, waxaa sare u kacay weerarada kooxaha burcad badeeda ay ka fuliyaan xeebaha Soomaaliya, waxay qabsadeen dhowr maraakiib ah si madax furasho loo siiyo.

Waxaana xeebaha ka socday howlgallo ay wadaan ciidammada waddammada reer galbeedka si looga hortaggo weerarad burcad badeeda.

Balse haatan waxaa joogsaday weeraradii ay burcad badeeda ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Taiwan oo dacwad kusoo oogtay nin amar ku bixiyay in la toogto Burcad badeed Soomaali ah.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×