Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

wasaaradda kalluumaysiga Puntland Oo Soo gabagabaysay shir lagu dardar galinaayo shaqada wasaarada


Boosaso: 30-08- 2020: Xarunta wasaaradda kalluumaysiga  iyo khayraadka badda waxaa saaka ka dhacay shir uu gudoominayey agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda mudane Cabdirisaaq Jaamac Aadan,  shirka waxaa ka soo qayb gallay dhammaan fidiyayaasha wasaaradda uga hawl gala xeebaha puntland, isuduwayaasha, xidhiidhiyaasha gobolada, madax qaybeedyada iyo agaasime waaxeedyada. 

Shirka waxaa lagaga hadlay dardar galinta shaqada wasaaradda gaar ahaan kordhinta wax soo saarka iyo tayeynta adeegyada wasaaraddu u hayso bulshashada kalluumaysatada ah ee reer Puntland. 

Intii uu shirku socday waxaa laga dhagaystay fidiyayaasha wasaaradda warbixinno ku saabsan shaqadii kal hawleedkii dhammaaday iyo qorshaha kalhawleedka imminka bilaabanaya. 

Waxaa sidoo kale laga dooday caqbadihii soo wajahay shaqada wasaaradda iyadoo la tixgalinayo tallooyinkii ka soo baxay shirka waxaa la go'aamiyey in la hawl galiyo ciidamada ka hortagga kalluumaysiga sharci darada ah isla markaana la bilaabo bixinta ruqsadda kalluumaysiga.

Ugu dmaayntii agaasimaha guud ee wasaaradda kalluunaysiga ayaa faray shaqaallaha xeebaha in la ilaaliyo habka wada shaqaynta, waxaana agaasimuhu amray in shaqaallaha loo qaybiyo agabkii ay ku shaqo tagi lahaayeen.







This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

wasaaradda kalluumaysiga Puntland Oo Soo gabagabaysay shir lagu dardar galinaayo shaqada wasaarada

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×