Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

imtixaanaadka dugsiyada sare ee puntland oo maanta la Shaacinaayo


Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Ayaa sheegtay inay  la socodsiineyo Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, Macalimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo Isniin ah, taariikduna tahay 10ka bisha Augsto  2020, la soo  bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland, saacaddu marka ay tahay 11:00 am barqanimo.

Wasaaradda Ayaa Dhammaan KU baraarujisay ardayda n ay isdajiyaan oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana shirkada Golis 299, ama Webka Wasaaradda ka daalacan doona natiijada Imtixaanka sida www.moepuntland.com.

Ugu danbayntii Waxaan guul iyo nasiib wacan ay u rajaysay ardeyda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

imtixaanaadka dugsiyada sare ee puntland oo maanta la Shaacinaayo

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×