Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Shacabka Baargaal Oo Saldhiga magaalada iskaa Wax u qabso Ku dhisaya


gudoomiyaha  gobolka Gardafuu mudane muuse  saalax guuleed   oo uu weheliyo  gudoomiyaha degmada Baargaal C/raxmaan Caynab Muuse ayaa booqasho ku tagay  saldhiga Police-ka Degmada  Baargaal   Oo Maamulka iyo bulshada Degmada bilaabeen in SI iskaa wax u qabso ah ku dhistaan Oo u dayactirtaan


Gudomiyaha Gobolka Gardafuu iyo Gudoomiyaha Degmada Baargaal Ayaa kormeerkoodan u  kuurgalayay Xaalada saldhiga  degmada iyo baahiyaha ka jira ee u baahan wax ka qabashada


Intii wafdigani ay kormeerkan ku jireen waxay warbixino kala duwan ka dhagaysteen Taliyaha Saldhiga Taliye Muumin abshir Xasan , waxayna booqdeen qaybaha saldhiga ka kooban yahay iyo halka ay marayso shaqadii Dhismaha Iyo Dayactirka Saldhiga



Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa  wuxuu masuuliyiinta Degmada baargaal  kala hadlay sidii ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd iyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo baahiyaha ay soo gudbiyeen iyo sidii gobolku uga Qayb qaadan lahaa Dhismaha iyo Dayactirka Saldhiga oo si  iska wax uqabso ah  la wado dhowaan in  lagu dhiso laguna  dayactiro


Gudoomiyaha gobolka gardafuu  ayaa sheegay inay ka maamul gobol ahaan ay diyaar  uyihiin  in ay ka qayb qaatan   dayactirka  iyo dhismaha  saldhiga  degmada bargaal 

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Ayaa ka dhawaajiyay in Maamulka iyo bulshawaynta Baargaal ay ka goantahay inay dhistaan Oo dayactirtaan Saldhiga oo muhiim u ah dawladnimada iyo maamulkooda Oo Susan KU daawan Karin dayaca iyo burburka ka muuqda asagoo sheegay inay sugaayaan dawrkii Puntland Oo ka Ballan qaaday inay kala Qayb qaadan doonto Dhismaha saldhiga

Halkan ka Daawo gudoomiyaha Oo ka warbixinaaya













  


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Shacabka Baargaal Oo Saldhiga magaalada iskaa Wax u qabso Ku dhisaya

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×