Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Wasaaradda waxbarashada Puntland : suurtagal maaha in waqtigan la qabto imtixaanadii Naqliga ahaa


Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta SARE ee Puntland ayaa KU sheegtay bayaan audio saartay in ay suurtagal ahayn  in Waqtigan la qaado imtixaan Naqliga ah ee Fasallada 1aad, 7aad, ee Dugsiyadda Hoose/ Dhexe iyo Fasallada 1aad ilaa 3aad ee Dugsiyadda sare. 

 Hoos ka daalaco Warqada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada.

Ujeeddo: Go'aanka Wasaaradda Waxbarashada ee COVID-19

Wasaaradda Waxbarashada iyo TS, waxay bogaadinaysaa Dhammaan GoobahaW Waxbarashadaee dalka sidii ay u dhaqan geliyeen go'aamadii dawladda ee ku aaddanayd kah hortaggakhatarta COVID-19.

Kadib markii Wasaaraddu qimaysay xaaladda kasii daraysa ee Cudurka CORONAVIRUS,w waxaygo'aamisay:

1. In aanay suuragal ahayn in waqtigan la qaadi karo imtixaanka naqliga ah ee fasalladal laadilaa 7aad ee dugsiyada hoose/ dhexe iyo fasallada laad ilaa 3aad ee dugsiyadas sare

2. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8aad iyo 12aad wasaaraddu waxay u
muddaysay 30/5/2020 haddii duruuftu saamaxdo.

3. Wasaaraddu waxay dhiirrigelinaysaa waxbarashada Online-ka ah ee jaamacaduhuc casharradaku bixiyaan, sidoo kale waa in imtixaanka jaamacadaha lagu qaado habkao online-kaah, maaddaamma la joojiyey isu imaatinka ardayda.

4. Wasaaraddu waxay faraysaa dhammaan maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyadai iyomacaahidda kala duwan ee Puntland in waxbarashadi sannad dugsiyeedka2 019/2020 ay sidaa ku soo gebageboowday.

5. Wasaaraddu waxay faraysaa maamulka iyo macalimiinta inay u qiimeeyaan ardaydan natiijadiiimtaxaankii teeramkii hore, shaqooyinki iyo laysliyadi kala duwanaa ee ayq qaadeen

6. Waxaa maamulka iyo macalliinta la farayaa inay qiimaynta ardayda ku dhammeeyaan2 /5/2020, una soo gudbiyaan natiijada xarumaha Guddoonka waxabarashadag gobolladaiyo degmooyinka ugu dambayn 10/5/2020.

7. Wasaaraddu waxay faraysaa waalidiinta inay bixiyaan mushaharaadkii macallimiintam maaddaammaay shaqada ku jirayaan ilaa 10/5/2020.

8. Wasaaradda waxay xoojinaysaa go'aankii dawladda ee ahaa in dawladda iyoH Ha'yadahawaxbarashada caawiya sii joogteeyaan mushaharaadkii iyo gunnooyinkii ayb bixinjireen.

9. Wasaaraddu waxay gacanta ku haysaa duubista mugararka Puntland ee dugsiyadah hoosedhexe iyo sare, iyadoo lagu bilaabay fasallada 8aad iyo 12aad.

Ugu dambayn wasaaraddu, waxay kula talinaysaa waalidinta, macallimiinta, maamulka,a ardaydaiyo guud ahaan shacabka Puntland inay raacaan talooyinka ka hortagga cudurkaC COVID-19


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Wasaaradda waxbarashada Puntland : suurtagal maaha in waqtigan la qabto imtixaanadii Naqliga ahaa

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×