Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Guddiga Gurmadka Gardafuu oo looga yeeray Madaxtooyada Puntland & Go’aan la filayo in uu soo baxo maanta.


Guddigii dawladda ee u xilsaarnaa howlaha gurmadka gobalka Gardafuu ee uu magacaabay 24tii November Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa looga yeeray markale Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, si wax looga weydiiyo arrimaha ku saabsan dhacdooyinkii u dambeeyey ee soo baxay oo ay ku jiraan eedo la xariira xagga Musuqmaasuqa oo ay xubnahan dhexdooda is tuhmayaan.

Sarkaal sare oo katirsan Madaxtooyada Puntland, gaar ahaana Xaafiiska Madaxweyne kuxigeenka oo ka gaabsaday magaciisa lana hadlay PuntlandTimes, wuxuu u sheegay in Axmed Karaash uu la xariiray xubnahan guddigan oo uu ku wargaliyey in ay kulan deg deg ah iskugu yimaadaan.

Madaxtooyada Puntland, waxaa gaaray qeylo-dhaan xoog badan oo ku wajahan in la lunsaday lacag laga Aruuriyey Shacabka Puntland, taas oo ay sameeyeen xubnaha guddiga, waxaa kaloo la ogaaday in aysan jirin cid ka dhawrsan musuqmaasuqan marka loo eego sida guddigan dawladdu u shaqeeyey.

Dabagal lagu sameeyey warbixino ay dhinacyadan baahiyeen, waxaa lagu ogaaday in sida loo maamulay dhammaan dhaqaalihii Laga Aruuriyey Shacabka Puntland, bilihii lasoo dhaafay uu ahaa mid aan marin wadiiqo sax ah, isla markaasna doodaha hadda bilowday ay bilow u yihiin la dagaalanka Musuqmaasuqa, haddii ay Xukuumaddu raali ka noqoto in musuqa lala dagaalamo.

U yeerida guddigan ka sokow, waxaa jiray guddi ka kooban sadex xubnood oo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash u saaray in ay xal kasoo gaaraan dhacdadan ku wajahan in Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) lagu qanciyo in uu xisaab la yimaado lacagaha uu aruuriyey, balse wada hadal gudigaas iyo Tigey dhexmaray ayaa fashilmay oo aysan waxba kasoo bixin.

Majiraan wali go’aan ka yimi dhanka Xukuumadda Puntland, dadkuna waxay indhaha ku eegayaan sida ay wax uga qabato musuqmaasuqa la tuhunsan yahay, qaarkoodna loo hayo cadeymaha ilaa hadda la ogaaday oo dhammaan saameyn reebi doona.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Guddiga Gurmadka Gardafuu oo looga yeeray Madaxtooyada Puntland & Go’aan la filayo in uu soo baxo maanta.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×