Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso


Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasi maanta ka dhacay weerar Khasaare dhimasho sababay.
Weerarkaan ayaa ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Magaalada gudaheeda.
Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen Goob ay ku sugnaayeen dad farabadan, waxaana rasaastaas ku geeriyoodey Nin ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Magaciisa lagu sheegay Garaad Suleymaan Ahmed Shire halka ay ku dhaawacmeen askari ka tirsan ciidamada Puntland iyo qof Shacab ah.
Dableydii falkaan ka dambeysay, ayaa ka baxsaday goobta, kadib markii ay rasaastaasi ku fureen dadka shacabka ah.




This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×