Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

M/weyne Deni & Kooxdiisa oo ku kala qeybsan dhismaha Urur Siyaasadeed la abuurayo, Magaca la qaatay & Xubnaha diiday


Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ay ka socdaan gudaha magaaladaasi ay ka socdaan  qaban qaabada shir weyne ay iskugu imanayaan dadka reer Puntland, kaas oo uu hore u iclaamiyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni.
Shirkan ayaa looga arinsanayaa khilaafka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, waxaana lagu wadaa in kulankan ay ka qayb galaan xubno ka socda dowladda federaalka, sida xubnaha labada golle ee baarlamaanka dalka ku matala Puntland halka ay ka qeyb galayaan madax kala duwan.
Dowladda federaalka oo maalmo ka hor ka hadashay sida ay u aragto shirka uu iclaamiyey madaxweyne Denni, waxaana ay sheegtay in ay soo dhaweynayso sidoo kalena ay ka rajaynayso in wax anfaca Puntland iyo guud ahaa Soomaaliya ay kasoo baxaan shirkaasi.
Madaxweynaha Farmaajo oo dhawaan ka hadlay khilaafka dowladiisa kala dhaxeeya Puntland si gaar ah madaxweyme Denni ayaa waxa uu sheegay in uu ka diiday inay kawada hadlaan khilaafka taagan marar badana uu ka dhaga adygay casuumaad uu ugu fidiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

M/weyne Deni & Kooxdiisa oo ku kala qeybsan dhismaha Urur Siyaasadeed la abuurayo, Magaca la qaatay & Xubnaha diiday

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×