Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Baarlamaanka Puntland oo la horgeeyey Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan Maaliyadda Puntland.






Warbixinta guddiga oo ay ka muuqdaan jaantusyo muujinaya ku dhaqanka miisaaniyadda dalka iyo arrimaha dhaqaalaha ku xeeran, waxaa kamuuqanaya in ay dhinacyadu aad iskaga warqabaan oo ay wada shaqeyn lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in guddigan iyo wasaaraddu ay ka wada hadleen qorida xogtan ama warbixintan, taas oo ay isku fahmi waayeen meelaha qaarkood.

Warbixintii horey loo horkeenay kalfadhigii 44aad ayaa sheegaysay in Miisaaniyada aan loo dhaqmin sidii loogu talo-galay, sidaas oo kale hab dhaqanka la xariira xisaab celintu uu wali yahay mid aan sax aheyn, taas oo keentay in xilalkii laga qaado inta badan masuuliyiintii wasaaradda Maaliyadda.

Hanti Dhawrka guud ayay sidaas oo kale galaafatay warbixintii la keenay kalfadhigii hore oo keentay in golaha hortiisa looga yeero si uu uga jawaabo arrimahan.

Guddiyada joogtada ah ee golaha Wakiilada ayaa u muuqda kuwa si adag ula xisaabtamaya wasaaradaha dawladda, waxaana la sugayaa in loo yeero wasiiradda dawladda qaarkood, si ay uga warbixiyaan eedaha ku qoran warbixinada guddiyada joogtada ah.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Baarlamaanka Puntland oo la horgeeyey Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan Maaliyadda Puntland.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×