Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la leh M/weynaha Puntland.


Ergayga gaarka ah ee Qaramada midowbay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa safar deg deg ah kusoo gaaray magaalada Garoowe, isagoo hadda kulan gaar ah la leh Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay ka wada hadlayaan arrimaha siyaasadeed ee waqtigan taagan iyo sida ay u aragto Qaramada Midowbay.

Ergayga gaarka ah ayaa bilaabay socdaalkiisa iyadoo aan horey loo ogeyn, wuxuuna isla maantaba la kulmayaa guddoonka baarlamaanka, oo ay ka wada hadlayaan qorshayaasha kala duwan ee dhinacyada doorashada Soomaaliya.

Warar hoose oo ay heshay PuntlandTimes ayaa sheegaya in uu ka digi doono Ergaygu xiisadaha siyaasadeed ee waqtigan ka bilowday Puntland, wuxuuna u gudbinayaa Madaxda Puntland walaaca ay ka qabaan dhacdooyinka cusub.



Sidaas oo kale, arrimaha ku wajahan doorashada Federaalka iyo khilaafka taagan sida ugu macquulsan ee loo xalin karro ayuu kala hadlayaa Puntland, waana qodobka ugu weyn ee hareyn doona kulamada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ka carooday kalfadhiga baarlamaanka Puntland, waxaana xiligaas ka dib bilowday moowjado siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in Ergayga gaarka ah ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysa uu bilaabayo cadaadis la saarayo dawlad gobaleedyada, si ay u aqbalaan in ay tagaan Muqdisho oo lagu qabto shirarka u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo iyaga.

Puntland & Jubbaland ayaa ka diidan qorshaha dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana dawladda Faderaalku ay haysataa aqbaliyada golaha dawlad gobaleedyada oo ay gacanta ku hayso sadex maamul gobaleed iyo gobalka banaadir, taas oo ka dhigan arrimo waa weyn.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la leh M/weynaha Puntland.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×