Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Ardaygii Kaalinta kowaad u galay Imtixaanka 8-aadka Puntland oo deeq waxbarasho helay


Hay’adda Waddaniga ah ee Taddamun Social Society-TASS ayaa waxbarasho lacag la’aan ah ugu deeqday ardaygii kaalinta kowaad ka galay fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland.

Hay’adda ayaa galabta shaacisay in ay Waxbarashada afarta fasal ee dugsiga Sare ah ugu deeqday Shucayb Xasan Cali oo kaalinta kowaad ka galay Imtixaanka 8-aadka Puntland kana socday dugsiga Girible-Boosaaso oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddomiyaha hay’adda Taddamun Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan oo shaaciyay deeqda waxbarasho ee uu helay Shucayb ayaa sheegay in ay sharaf u tahay hay’addiisa ayna ku faraxsanyihiin in ay dhiirr-gelin u sameeyaan ardaygan dadaalka sameeyey si qiimaha waxbarshada kor loogu qaado ardayda kalena uga ga daydaan.

Shucayb oo dhigta iskuul carruurta qoysaska danyarta ah iyo Barakacaayasha ee lagu magacaabo Girible-Boosaaso ayaa ku gudbay celcelis dhan 97% boqolkiiba dhammaan maaddooyinkiisa.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Ardaygii Kaalinta kowaad u galay Imtixaanka 8-aadka Puntland oo deeq waxbarasho helay

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×