Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Shir lagu heshiisanaay Maamulka Degamada Baargaal iyo Ciidanka Degmada oo uu horay isaga horkeenay taliya qaybta gobolka gardafuu


waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/03/2019 lagu qabtay magaalada Baargaal shir ay isuguyimaadeen xarunta dawlada hoose ee Degmada Baargaal maamulka iyo ciidanka iyo  odayaasha ,waxgaradka, ganacsatada iyo ururada dhalinyarada iyo haweenka shirkaas oo lagu heshiisiinaayay maamulka iyo ciidanka 

Shirka oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Degmada baargaal oo uu horkacayay xoghayaha degmada Baargaal ahna kusimaha duqa degmada Baargaal mudane siciid Cawil dhuxul iyo taliyaha ciidanka policeka ayaa looga hadlay dib u heshiisiinta ciidanka policeka degmada iyo maamulka oo uu horay isga horkeenay Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu mudane shire cabdi goonyacade 

iska horkeenkaas ayaa ahaa mid khalkhal lagu galinaayay amniga degmada iyo shaqada degmada sida cashuuraha iwm

sida horay loo sheegay ciidanka degmada baargaal iyo odayaasha ka soo qayb galay shirka waxay sheegeen in xurguftii dhextaalay ciidanka iyo maamulka ay ku guulaysteen xalinteeda ayagoo ciidankq iyo maamulku cabasho ka gudbiyeen faragalinta taliyaha qaybta gobolka Gardafuu mudane shire cabdi goonyacade oo ay ku eedeen inuu lunsaday xuquudii ciidanka degmada baargaal lahaayeen sida gunooyinkii iyo adeegii ay ku lahaayeen gobolka Gardafuu taas oo ay sheegeen inay ogyihiin in isaga loosoo dhiibo 

sidoo kale waxay  sheegeen inuu taliyaha qaybta gobolka gardauu uu bixio amar khaldan oo sharci darro ah oo iska horkeeny ciidanka policeka iyo ciidamada PMPF ee ku sugan degmada Baargaal

ugu danbayntii ka soo qaybgalayaashii shirka ayaa waxay baaq u direen gudoomiayah gobolka gardafuu  iyo taliyaha police puntland iyo wasaaradha amniga iyo arimaha gudaha inay arintaasi soo dhexgalaan ayaga oo uu ciidanku sheegeen in uusan marna ku soo booqan saldhiga  ciidanka degmada Baargaal iyo xarunta dawlada hoose ee degmada Baargaal intii la magacaabay taas oo markhaanti u ah shaqa xumida taliyaha qaybta gobolka gardafuu 




















SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
[email protected]



This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Shir lagu heshiisanaay Maamulka Degamada Baargaal iyo Ciidanka Degmada oo uu horay isaga horkeenay taliya qaybta gobolka gardafuu

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×