Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Nabadoon Xarrago Oo Maanta Boosaaso Lagu Xiray, waa maxay sababtu



Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dawlad goboleedka Puntland Ahna xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu xiray Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim xarago oo kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda gobolka Bari kadib Markii uu ka hadlay Khilaafka dawlada Federalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka jira.

Nabadoon Xarrago ayaa Maamul goboleedyada ku dhaliilay inay duminayaan Dawladnimada isla markaana ay Samayteen Xisbiyo ay ku wiiqayaan Awooda Dawlada Federalka Soomaaliya.

Nabadoon Xarrago ayaa sidoo kale wuxuu dhalilay Shirkii Maamul goboleedyada ee Magaalada Garowe ugu soo dhamaaday kasoo uu sheegay inaysan Wax dan ah ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.

Horay ayaa sidan oo kale waxaa Shirkii Maamul goboleedyada u dhaliilay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey kasoo sheegay shirkaasi inay ahayd Riyo Maalmeed sida uu hadalka u dhigay Mudane Camey.

Nabadoonkan maanta lagu xiray Boosaaso ayaa laga soo xiray Aagga Kaantaroolkii Hore ee magaalada Boosaaso iyadoo xiligan ay Puntland u dhadhicsay Xabsiga Boosaaso.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Nabadoon Xarrago Oo Maanta Boosaaso Lagu Xiray, waa maxay sababtu

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×