Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Imaaraadka iyo Sucuudiga oo taageeray go’aanka Trump ee heshiiska Nukliyeerka Iran


Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa taageeray go’aanka dowladda Mareykanka ay uga baxday Heshiiskii Dhinaca Nukliyeerka ee ay waddada Lixda ahaa la galeen Iraan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaciyay in dalkiisa uu ka baxay heshiis uu ku sheegay mid hal dhinac ah oo u daneynayay Dowladda Iraan.
Go’aankan waxaa bogaadiyay Maamulka Israel uu muddaba ka shaqeynayay sidii heshiiskaas loo baabi’in lahaa waana ay ku guuleysatay ugu dambeyn.
Warbixin ay soo saareen Waddamada Imaaraadka iyo Sucuudiga ayey ku sheegeen in ay dowladda Mareykanka ku raacsanyihiin go’aanka ay uga Baxday Heshiiskii Dhinaca Nukliyeerka ee lakala saxiixday 2015kii.
Wakaaladda Wararka Dowladda Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in dowladda Sucuudiga ay ku raacsan tahay mareykanka go’aanka uu Trump ka qaatay heshiiskaas.

xigasho : wakaalado 

Shabakada Baargaal.net
isha wararka Horumarka Calbari 


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Imaaraadka iyo Sucuudiga oo taageeray go’aanka Trump ee heshiiska Nukliyeerka Iran

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×