Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO BILOWDAY DEJINTA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH.


Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday Dejinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2017-2018,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaraddda.

Lixdan iyo lix macallin ayaa loo qorsheeyay in ay muddo 5 maalmood ah soo dejiyaan, Imtixaankan Shahaadiga ah oo ay u fariisan doonaan ardayda fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiyada sare dhammaan degaannada Puntland.

Macallimiinta soo diyaarinaya Imtixaanka sannadkan ayaa ka kooban 42 macallin deJiyaal ah,lix macallin turjumayaal ah,iyo 24 macallin oo hubiyaal ah,waxaana qoraalka lagu sheegay in dejiyaasha Imtixaanka sannadkaan ay ka yar yihiin sannadihii la soo dhaafay,kadib markii uu hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaale ee lagu kabi jiray.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO BILOWDAY DEJINTA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH.

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×