Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Akhriso:-Halkee ayay mareysa qorshaha Soomaaliya kula soo wareegeyso Maamulka Hawadda?


Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaalkii u dambeeyay waday qorshaha ay kula soo wareegeyso Maamulka Hawada.

Wasiirka ayaa sheegay in labo todobaad kaddib la soo wareejin doono Hawada Soomaaliya, oo tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe sanadkii 1991 ay gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.
Labo todobaad kaddib ayaa rajeynayaa in la Soo Wareejin Doono maamulka Hawada Soomaaliya, 27-ka bishan ayaa rajeynayaa in xaflad weyn oo lagu soo bandhigayo qalabka cusub ee lagu koontarooli doono Maamulka Hawada.
Wasiirka oo xilligan ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in tallaabada lagu soo wareejin doono maamulka hawada ay noqon doonto horumar weyn oo ay dowladdu gaartay.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaalo xooggan ugu jiray soo wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya oo xilligan laga maamulo dalka Kenya.


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Akhriso:-Halkee ayay mareysa qorshaha Soomaaliya kula soo wareegeyso Maamulka Hawadda?

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×