Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

DEG DEG : Madaxweynaha dawladda Puntland oo magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona xaaladda degmada Caluula ee gobalka Gardafuu


Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona xaaladda degmada Caluula ee gobalka Gardafuu, ka dib markii xaalad adag laga soo sheegay deegaankaas.

Madaxweynaha ayaa magacaabay guddigan, ka dib markii golaha Xukuumada la horkeenay maanta xaaladda deegaankaas oo ay biyaha Baddu ku soo furmeen.
Guddiga la magacaabay ayaa kala ah.

1- Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta Cabdirashiid Maxamed Xirsi
2- Wasiirka Haweenka & Arrimaha Qoyska Aniso H Muumin
3- Gudoomiyaha KMG ah ee Hay’adda PHA &
4- Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga ee dawladda Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa amray in guddigan si deg deg ah shaqadooda u bilaabaan oo ay xooga saaran sidii ay usoo darsi lahaayeen xaaladda taagan.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

DEG DEG : Madaxweynaha dawladda Puntland oo magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona xaaladda degmada Caluula ee gobalka Gardafuu

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×