Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Madaxweyne Farmaajo oo Sucuudiga ka dalbaday In Imaaraadka Carabta ay joojiyaan Saldhigga Milatari Ee Berbera


Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Sacuudiga ka dalbaday in Imaaraadka Carabta ay Joojiyaan Saldhigga Milatari ee Berbera,sida ay sheegeen ilo ka agdhow madaxweynaha.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya ayaa boqortooyada Sacuudiga ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka, kana joojiyaan waddanka damaciisa ah in uu saldhig milatari ka sameyso magaalada xeebta ah ee Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saldhigga milatary ee Imaaraadka kala hadlay kulan dhexmaray isaga iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa kaloo kullanka joogay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Caadil Axmed iyo madax kale.

Farmaajo oo Sacuudiga booqasho ku tagay Khamiistii la soo dhaafay, waxaa muuqata in uu ka faa’ideysanayo xiriirka wanaagsan ee Sacuudiga iyo Imaaraadka, si Riyad ay Imaaraadka uga joojiso dhismaha saldhigga milatary ee Berbera.

Dowladda Imaaradka ayaa heshiis madax banaan la gaartay maamul goboleedka Soomaaliland,iyagoo ka kireystay dhul ku yaalla Berbera oo ay rabaan inay ka dhistaan saldhig milatari,dowladda dhexe ayaana hadda dooneysa heshiiska in la kansalo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari


This post first appeared on BAARGAAL.NET, please read the originial post: here

Share the post

Madaxweyne Farmaajo oo Sucuudiga ka dalbaday In Imaaraadka Carabta ay joojiyaan Saldhigga Milatari Ee Berbera

×

Subscribe to Baargaal.net

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×