Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Shucuur qofeed


 

Weli waxaan sugayaa Inta caqligeyga iyo qalbigeyga midi reynayo ama ay maalin uun ay isku mawqif noqondoonaan waaba filisho mustaxiil ahe,iyagu maalin iyo habeenba weys haystaan hirdamaan doodo waxwalba ay isku khilaafaan ama kala mawqif noqdaan ayaa ka dhex alloosan 



Maxey tahay xikmada ku lamaan lahaanshaha ina aadan ee dareenada qalbiga iyo waaqac ku salleynta maskaxda


Iyadoo abuurta eebaheen weyne sheykastaa tahay xikmad aan laga gayooneyn oo layaab iyo ashqaraar ku ah maanka adoonkiisa aadam iyo tafiirtiisaba hadana Maskaxda Iyo qalbiga oo aniga garnaqoodu shaqo joogto ah iitahay waa inaan ogaadaa xikmadaha kuduugan ,faaidada uu rabi ugu yeelay abuurteyda inta aadmi ka ogyahay ama ogaalkii kagaadhey 


Hugunka kajira hadyo goor gudahaygu waa xaalad aan qabatimey oonan dhibsan sheekooyinka doodaha iyo muranka aan bar dhamaadka lahayn ee gudahayga ka alloonsan maskaxda iyo qalbigeyguna aaney kukala roonaan ama reynin 


 midi dareenka iyo mashaaciirta uu rabo kasalgaadhideeda kama Daalo 

maankuna kusaleynta danta fogaal araga iyo fiiro kumudida kama daayo 


Aadmiga talow weydiintan igu mudan jawaabtooda iga caawinkara ee iga kasmo wacnaadey waabu wacnaade qawmiyadeydii soomaaliyeed ciduun makaga jirtaa.   Mooyi!


Faygar.



This post first appeared on For: Baxarsaar.blogspot.com, please read the originial post: here

Share the post

Shucuur qofeed

×

Subscribe to For: Baxarsaar.blogspot.com

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×