Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

Injineerada toobogarafikada iyo kaartogaraafikada:(Topographic & Cartographic Engineer)


1.Falanqaynta Dhulka(Terrain Analysis): Injineerada Toobogaraafikada waxay dusha sare ka qiimeeyaan dhulka, iyagoo aqoonsanaya faa'iidooyinka istiraatijiyadeed ama caqabadaha laga yaabo inay saameeyaan dhaqdhaqaaqa militariga. Macluumaadkan ayaa muhiim u ah qorsheynta hawlgallo waxtar leh, kasoo ay fuliyaan ciidanka dhulka ee militariga.


2.Soo saarista Khariidadda:(Map Production) Injineerada kaartogarafikada waxay abuuraan khariidado tafatiran, iyagoo ka caawinaya millatariga inay maraan wado saxan sidoo kalena qorsheeyaan hawlgallada. Khariidado sax ah ayaa muhiim u ah howlgalada ciidamada si ay u fahmaan muuqaalka guud ee jihada loo socda sido kale waxay ka caawinaysaa isku dubaridka dhaqdhaqaaqa ciidamada.


3.Qorshaynta Istaraatiijiga ah:(Strategic Planning) tobogaraafikada iyo kaartogarafikada waxay ka caawisaa hoggaamiyeyaasha millatariga samaynta go'aanno xog ogaal ah oo ku saabsan soo dirida ciidamada, boosaska difaaca, iyo istaraatiijiyadda guud. Tani waxay kor u qaadaysaa waxtarka iyo guusha hawlgallada milatari.


4.Jihaynta iyo Hanuuninta:(Navigation and Orientation) Askartu waxay ku tiirsan yihiin khariidadaha saxda ah ee ku dhisan hagidd cilmiyeysan. Injineerada toobogaraafikada waxay siiyaan ciidamada qalabka muhiimka ah si ay ugu maraan dhul aan la aqoon, iyagoo yareynaya halista cadowga ee ogaanshiyaha socdaalka ciidamada luminta iyo hubinta imaatinka waqtiga loogu talagalay goobaha loo qoondeeyay inay tagaan ciidamada.


5.Taageerada saadka(Logistical Support): Khariidado faahfaahsan ayaa ciidamada ka caawiya qorsheynta wadooyinka saadka la marsiiyo, garashada caqabadaha hor istaagi kara in saadku gaaro halki loo qorsheeyey, iyo hubinta gaadiidka iyo qalabka ciidamada si hufan.


6.Uruurinta Sirdoonka:( Intelligence Gathering) Xogta toobogaraafikadu waxay muhiim u noqon kartaa ururinta xogta sirdoonka, fahamka juqraafiga aagga, iyo samaynta go'aamo xog ogaal ah oo ku saabsan khataraha iyo dayacanka iman kara.


7.Jawaabta Musiibada:(Disaster Response) Marka laga soo tago hawlgallada milatariga, Injineerada Toobogaraafikada Iyo kaartogaraafikada ayaa gacan ka geysta dadaallada wax ka qabashada musiibada. Khariidado sax ah ayaa gacan ka geysta isku xirka dadaallada gargaarka iyo in si hufan loo qoondeeyo kheyraadka inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah.


 Isku soo wada duuboo, Injineerada toobogaraafikada iyo kaartogaraafikada ayaa udub dhexaad u ah awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si ay si hufan ugu socdaan, u qorsheeyaan, una fuliyaan howlgallada. Shaqadoodu waaa helida xog sirdoon oo ku saabsan goobta lagu wajahanyahay halka loo maraayo iyo jihada laga galaayo oo muhiim ah kor u qaadida awooda guud iyo guusha dadaallada ciidamada militariga.


Waqtigaan la joogo injineerada toobogaraafikada iyo kaartogaraafikada waxay muhiim u yihiin ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed madaama uu socdo dagaal lagu xoraynaayo dhamaan gobolada dalka ee ka maqan gacanta dowladda soomaaliya.

W/Q:Azar Haji





This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

Injineerada toobogarafikada iyo kaartogaraafikada:(Topographic & Cartographic Engineer)

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×