Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

TAARIIKH CUSUB AYAA LAGA SAMEEYEY SIYAASADA DALKA BRITAIN.


Taariikhdu dib ayey isu qortaa


Lix  iyo todobaatan sano ka hor Ingiriisku wuxuu kala qaybiyey Hindiya iyo Pakistan.
Maanta nin Pakistani ah oo hogaamiya Scotland ( Hamza Yousaf) iyo nin Hindi ah oo hogaamiya Uk(Rishi Sunak) ayaa laga yaabaa inay ka wada hadlaan qaybinta  dal waynaha Britain.

Hamza Yusuf oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan ayaa loo doortay madaxa cusub ee xisbiga talada haya ee dalka Scotland (Scotland National Party). Hamza Yusuf oo 37 jir ah ayaa noqonaya Wasiirkii Koowaad ee Scotland, hogaamiyihii ugu horeeyay ee Muslim  Pakistani ah oo hogaamiye ka noqda xisbi siyaasadeedka Britain.

Xamza Yuusuf oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan, ayaa Xisbiga Qaranka Scotland ee Scotland National Party u doortay inuu beddelo Nicola Sturgeon oo ah madaxa xisbiga siyaasadda, ka dibna wuxuu noqonayaa wasiirka kowaad ee Scotland.
Xamza Yuusuf oo 37 jir ah hada  waa Xoghayaha Caafimaadka Scotland, wuxuna ku guulaystay inu noqdo waziirka koobaad ee dalka scotland. Wuxuna badalay Nicola Sturgeon, Hamza Youssef ayaa helay 52% codadkii la dhiibtay, halka Kate Forbes uu helay 48%.

Hamza Yusuf aabbihii, Muzaffar Yusuf, wuxuu ka soo jeeday Mian Chinnu ee Pakistan, wuxuuna u guuray Scotland 1960. , halka hooyadii ay ku dhalatay Kenya, iyada oo ka dhalatay qoys Koonfur Aasiya ah.  Xamza Yuusuf Waxa uu leeyahay ilmo ay dhaleen xaaskiisa labaad iyo gabadh uu dhalay. Xamza Yuusuf waxa uu ku dhashay Glasgow waxa uuna ka qalin jabiyay jaamacada Glasgow oo uu ka diyaariyay culuumta siyaasadda.

Waxa uu la taliye u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Scotland ka hor inta aan loo dooran xubinimada baarlamaanka Scotland 2011. 2012, Xamza Yuusuf waxaa loo magacaabay wasiir hoose, isagoo markaas ahaa wasiirkii ugu da'da yaraa iyo xildhibaankii ugu horreeyay ee dadka laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Scotland ka mid noqda .
Waxa uu ku biiray Golaha Wasiirada isaga oo noqday Xoghayaha Cadaalada sanadii 2018, sido kale sanada 2021  waxana uu noqday Xoghaye Caafimaadka.

Xamza Yusuf waxa uu ku guulaystay in uu noqdo 'Wasiirkii Kowaad' (madaxa dawladda Scotland) ee dawladda iskeed madaxbannaanida ugu dhow Dhawaan,  Xamza Yuusuf wuxuu noqonayaa Muslimkii ugu horreeyay ee hoggaamiya waddan ku yaalla Galbeedka Yurub.


W/Q: Azar Haji




This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

TAARIIKH CUSUB AYAA LAGA SAMEEYEY SIYAASADA DALKA BRITAIN.

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×