Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

2016, siddeed ganacsato ah oo uu hormuud u yahay maalqabeenka adduunka ee Elen Musk ayaa aasaasay shirkad

 2016, siddeed ganacsato ah oo uu hormuud u yahay maalqabeenka adduunka ee Elen Musk Ayaa Aasaasay shirkad


Teknoolajiyadeed ay u bixiyeen ‘Neuralink’. Waxa ay ka shaqaalaysiiyeen qaar ka mid ah xeeldheereyaasha cilmiga habdhiska neerfaha ee ugu heerka sarreeyey jaamacadaha waaweyn ee adduunka.


Neuralink shaqada loo aasaasay waxa ay ahayd, curinta iyo samaynta kaadh/qalab kombiyuutar ku shaqaynaya oo awood u leh in uu akhristo xogta iyo afkaarta maskaxda aadamaha. Kaas oo isku xidhi kara maskaxda qofka iyo kombiyuutarka, si meesha looga saaro in isticmaalka Kombiyuutarku ay mar kasta ku xidhnaato adeegsiga xubnaha, sida gacmaha.


Waa Kaadh aad u yar oo ku shaqaynaya nidaamka kombiyuutar ee loo yaqaanno ‘Brain-Computer Interface’ loona soo gaabiyo BCI, waxa aanu qorshuhu yahay in la dhex geliyo maskaxda qofka, kaddibna uu suurtageliyo in ay toos isugu xidhmaan maskaxda iyo kombiyuutarku. Waxa la doonayaana uu yahay in fikira iyo amarrada maskaxda ka dhex guuxaya uu Kombiyuutarku qaato. 


Elon Musk oo dhowaan ka hadlay kaadhkan ayaa sheegay in ay hadda dawladda ka dalbadeen ogolaanshiyaha in kaadhkan lagu beeri Karo Maskaxda Aadamaha, “Lix bilood gudahood, waxa aannu awoodi doonnaa in aanu kaadhkii ugu horreeyey ku beerno bani’aadam”  ayaa uu yidhi.


Sida uu sheegay Elon Musk, marka laga tago in kaadhkani uu suurtagelinayo in qofka naafada ahi isaga oo aan xubnaha dhaqaajin uu isticmaali karo kombiyuutarka. Waxaa dheer, in ujeedada kaadhkan loo isticmaalayaa ay noqon doonto mid caafimaad, hawlaha ay qaban doontana ay ka mid tahay; in uu dib uga shaqaysiiyo xubnaha dadka uu faaliggu naafeeyo, tusaale ahaan in ay socdaan ama xubnahooda si dabiici ah u dhaqaajiyaan, iyo in dadka aragga naafada ka ahi ay wax arkaan,

“Kii naafada ahaa ayaa socon doona, indhooluna waxbuu arki doonaa” ayaa uu yidhi Elon Musk.


Si kastaba ha ahaato ee, Teknoolajiyaddan uu Elon Musk sheegay in uu hirgelinayo, waxa ay dood iyo khilaaf cilmi iyo akhlaaqeed ka abuurtay dunida. Dad badan ayaa u arkay kacaan dhinaca caafimaadka ah oo curtay. Halka kuwo kale oo badanina ay ka muujiyeen cabsi, waxa ay ka walaacsan yihiin in uu noqdo hab qofka doonistiisa iyo habfikirkiisa shakhsiga ah lagu maamuli karo, ama dhibaato loo geysan karo maskaxda aadamaha, iyo dhaqan xumo dhinaca akhlaaqda ah oo lagu faragelinayo qaybo ka mid ah abuurta Alle ee aanay aadamuhu aqoonta badan u lahayn.


Adigu akhriste sidee aad u aragtaa arrintan?



This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

2016, siddeed ganacsato ah oo uu hormuud u yahay maalqabeenka adduunka ee Elen Musk ayaa aasaasay shirkad

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×