Get Even More Visitors To Your Blog, Upgrade To A Business Listing >>

ARAGTIDIID MAHAATIIR MAXAMED KU DHISAY DALKIISA (1)


Mahaatiir Maxamed, waxa uu dalka Malaysiya raysalwasaare ka noqday sannadkii 1981 kii. Xilligaas Malaysiya waxa ay ahayd dal dhaqaale ahaan aad u liita, horumarkiisuna hooseeyo, laakiin waxa uu u beddelay dal casri ah oo horumar ballaadhan ka gaadhay dhinac kasta; taas oo uu ku mutaystay in lagu nanayso ‘Aabaha Malaysiyada casriga ah’.


HORUMARKU Waxbarashada AYUU KA BILOWDAA:

--------------

Sannadkii 1974 kii Mahaatiir Maxamed waxaa dalkiisa looga magacaabay wasiirka waxbarashada. Markiiba Waxa uu baadhis cilmiya ku sameeyey kaalinta ay wasaaraddani bulshada ugu jirto iyo muhiimadda ay u leedahay dalka. Baadhitaankaas waxaa uga soo baxay natiijo ah, ‘In horumarka Malaysiya iyo dal kale oo kastaaba uu ka bilowdo waxbarashada’.

Mahaatiir waxa uu bilaabay shaqo adag oo uu ku horumarinayo waxbarashada, muddo 7 sanno ah oo uu wasiirka waxbarashada ahaana, waxa uu saxay qaladaadkii maamul iyo farsamo, waxa aana u suurtagashay in uu si qotadheer u dejiyo aragtida, himilada iyo higsiga fog ee waxbarashada dalka. Waxa uu seeska u dhigay nidaamka waxbarashada, maamulka dugsiyada iyo tayeynta manhajka waxbarashada.

Nasiib wanaag sannadkii 1981 kii ayaa uu Mahaatiir Maxamed noqday raysalwasaaraha dalka. Malaysiya xilligaas waxa ay ahayd dal sabool ah oo waxsoosaarkiisa dhaqaale ee ugu weyni uu yahay beeraha oo aan horumarsanayn. Markii uu daraaseeyey sida uu dalka ku Horumarin karayana, waxaa u garwaaqsaday in aanu horumar la taaban karaa ka horreynayn horumarinta iyo hirgelinta waxsoosaarka warshadaha.

Mahaatiir waxa uu xilkan yimid isaga oo ay ka go’antahay horumarinta iyo dhismaha Malaysiya, kuna qanacsan aragtidiisii ahayd in horumarka uu ka bilowdo waxbarashada. Sidaas awgeed waxa uu halkii ka sii waday dadaalkii horumarinta waxbarashada, isaga oo u qoondeeyey saamiga ugu weyn ee miisaaniyadda qarankana. Tusaale ahaan, Boqolkiiba 25 miisaaniyadda guud ee qaranka, waxa uu u qoondeeyey horumarinta waxbarashada, taas oo noqotay miisaaniyaddii ugu badnayd ee ay dawladi waxbarasho u qoondayso, dunida oo dhan. Waxa ay xitaa boqolkiiba 75 ka badnayd miisaaniyadda uu u qoondeeyey difaaca dalka iyo ammaanka.

HALKEE UU KA BILAABAY GEEDDIGA?!

------------

Mahaatiir Maxamed horumarinta waxbarashada waxa uu ku bilaabay Laba tallaabo;


1. WAXBARASHADA FARSAMADA GACANTA:

---------------------------

Meelaha uu aad uga shaqeeyey intii uu wasiirka ahaa, markii dambana maskaxda iyo dhaqaalaha dheeraadka ah geliyey waxaa ka mid ahaa, dhismaha nidaamka iyo dugsiyada waxbarashada Farsamada Gacanta Iyo tayeynta iyo horumarinta manhajkooda. Waxa uu ku shaqaynayey aragti ah in Barashada farsamada gacanta iyo xirfadaha iyo tayeynta kartida shaqo ee qofku ay lagama maarmaan u yihiin shaqooyinka ay horumarinta u baahantahay. Si dalka looga dhigo mid warshado lehna in loo baahan yahay dad leh farsamadii iyo xirfadihii warshadaha ay kaga shaqayn lahaayeen.


2. TAYEYNTA XIRFADDA SHAQO EE MAAMULKA IYO MAARAYNTA

---------------

Tallaabada labaad ee uu Mahaatiir u arkayey in barashadeedu muhiim u tahay horumarka waxa ay ahayd aqoonta maamulka iyo Maaraynta shaqooyinka dadweynaha, ganacsiga, warshadaha, adeegyada bulshada iwm. Sidaas awgeed waxa kale oo uu xoogga saaray waxbarashada maamulka iyo Maaraynta.

Miisaaniyadda ballaadhan ee uu waxbarashada u qoondeeyey, qayb ka mid ah ayuu ugu talagalay in dhalinyarada dalka loo diro waxbarasho dibadeed oo ay dawladu ka bixiso.

Waxaa la sheegaa tirada ardayda dawladdu ay dibadda u dirtaa, in mararka qaarkood ay gaadhay 50 kun oo arday. Waxa ay soo baranayey waxbarasho isugu jirtay heerarka kala duwan ee jaamacadaha, tababarro farsamada gacanta iyo xirfadaha ah iyo aqoon iyo waayoaragnimo korodhsi dhinacyada maamulka iyo maarayntu ka mid yihiin.

Waxaa iyaduna xiise leh in ardaydaas waxbarashada loo dirayo uu u qaybiyey laba jiho. Waa dalalka reer galbeedka ee Maraykan iyo Yurub iyo dalalka reer bariga loo yaqaannay, gaar ahaan dalka Jabbaan. Waxaa xusid mudan in ardayda la dirayo loo xuli jiray aqoonta iyo maaddooyinka dalku u baahan yahay, loona diri jiray dalalka aqoontaas ku horumarsan.

Waxa ay ujeeddadiisu ahayd in ay dalkiisa isugu yimaaddaan aqoonta, ilbaxnimada, iyo horumarka bariga iyo galbeedka labaduba. Isla markaana uu horumarinta dalkiisa uga faa’idaysto horumarka ballaadhan ee bariga iyo galbeedkaba ka socday oo la mideeyey.

Mahaatiir Maxamed waxa uu sheegay in markii uu qorshayaashan fulinaye, ku talagalkiisu uu ahaa in ardaydaas dibadda lagu soo tababaro ay faa’iidadoodu dalka ku soo noqon doonto ugu yaraan 10 sanno kaddib. Waxa se yaab ku noqotay in midhahoodii la arkay 3 sanno kaddib, markii ay soo noqdeen dufacadihii u horreeyey ee loo diray waxbarashada sare ee takhasusyada ah iyo tababarrada farsamada oo iyagu sannado kooban qaadaneyey.


LA SOCO QAYB KALE ….



This post first appeared on My Personal, please read the originial post: here

Share the post

ARAGTIDIID MAHAATIIR MAXAMED KU DHISAY DALKIISA (1)

×

Subscribe to My Personal

Get updates delivered right to your inbox!

Thank you for your subscription

×